FAAH FAAHIN : In kabadan 10 Ruux oo Ku Dhimatay Qaraxyadii Muqdisho & Dagaalyahano Gudaha u galay Al-Shabaab

2

Kooxo hubeysan ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday hotel Naasa-hablood Laba oo ku yaalla degmada Xamarweyne, gelinkii dambe ee maanta.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in rag hubeysan ay gudaha u galeen xarrunta hotelka, ka dib weerarka ismiidaaminta.

Ugu yaraan 10 ruux ayay wararka horu dhaca ah ay sheegayaan inay ku dhinteen weerarkaasi, iyo qarax kale oo ka dhacay meel u dhow xarruntii hore ee baarlamaanka.

Wararka horu dhaca ayaa sheegaya in Xildhibaan hore C/naasir Gaarane uu ku dhintay qaraxa, sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay Taliyihii Booliska degmada Dayniile Maxamed Yuusuf Fanax oo horay u soo noqday Taliyaha Booliska degmada Yaaqshiid.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayay Hotelka, iyadoo aan si dhaba h loo xaqiijin karin in dabley hubeysan gudaha ugu jiraan iyo in kale,

Al-Shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxa, isla markaana ay weerareen Hotelka Naasahablood 2.

Illaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay.

Weerarka lagu qaaday Hotelkan ayaa ku soo beegmaya, labo todobaad kaddib qarax lagu hoobtay oo ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Comments are closed.