DHAGEYSO : Tarsan: ” Saddexda nin ee Shabaabka la haayo waa in deg deg loo dilaa, Oo Meydkooda Wadada la soo suraa “

0

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) La taliyaha dhanka Siyaasadda Madaxweynaha Somaliya ayaa wuxuu ugu baaqay dowladda Somaliya in si deg deg loo toogto saddexda ruux ee Al Shabaab ka tirsan ee ciidamada dowladda ay ku qabteen hawlgalkii xalay lagu soo afjaray weerarkii Hotel Naasa Hablood 2.

Tarsan oo Suxufiyiinta kula hadlay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu si kulul u sheegay mudnaanta saddexdan rag ay leeyihiin inay tahay kaliya toogasho in lagula dhaqaaqo.

Wuxuu sheegay marka la toogto xittaa inay mudan yihiin maydkooda in la suro meel ku dhaw taallada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa wuxuu sheegay Shabaab inay yihiin arxan laawayaal caadeystay daadinta dhiiga shacabka Somaliyed, wuxuuna ka codsaday dowladda Somaliya si deg deg ah in loo dilo raggaasi gacanta Hay’addaha ammaanka ku jira.

Ciidanka NISA ayaa xalay qabtay saddex ka mid ahaa raggii soo weeraray Hotelka Naasa Hablood, xilli raggaasi ay isku dayaayeen inay ka baxsadaan Hotelka.

Saddexda nin ee Shabaabka ee ciidamada ammaanka ay qabteen ayaa waxaa ku socoto baaritaan iyo su’aalo waydiin ay wadaan laamaha ammaanka dowladda Somaliya.

Al Shabaab waxa ay ku faaneyn in masuuliyiin kala duwan ay ku dileen weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho.