DHAGEYSO : Wasiirka Caafimadka oo booqatay Dhaawacyadii la geeyay Isbitaalka Madiina.

0

Wasiirka wasaarada Caafimaad Xukuumada Federaalka Soomaaliya Drs Foowsiyo Abiikar Nuur ayaa booqatay maanta dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii is xig xigay ee xalay ka dhacay Muqdisho.

Drs Foowsiya ayaa booqashadeeda waxa ay ku tagtay isbitaalka Madiina ee Muqdisho halkaasi oo la geeyay dad dhaawacyo kala duwan qaba.

Wasiirka ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf Waxaana uu uga warbixiyay dadka la soo gaarsiiyay.

Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in isbitaalkooda la soo gaarsiiyay 24-Ruux oo dhaawac ah iyo meydadka 5 ruux.

Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Caafimaadka xukuumada Soomaaliya Drs Foowsiyo Abiikar Nuur Ayaa sheegtay in ay si dhow u la socon doonaan dhaawacyada dadkaasi ku waxyeeloobay qaraxyadii shalay galinkii dambe ka dhacay Muqdisho.

120104_001