Kulankan Oo ay Goobjoog ka ahaayeen Masuuliyiinta Wasaaradaha dekedaha & Maaliyadda Puntland, ayaa Diirada Lagu saarayay Sidii Loo cadeyn lahaa sababaha ay u xanibantahay Shaqada dekedda oo Muddo Dhowr cisho ah Aysan Ka soo dagin wax Badeeca ah,
Qaar kamid ah Ganacsatada ayaa tabasho ka muujiyay Lacago dheeraad ah oo ay sheegeen iney ku soo rogtay Shirkadda P&O ee Dalka imaaraadka taas oo 12-kii bishan October lagu wareejiyay Maamulka Dekedda Magaaladda Boosaso,
Waxeyne sheegeen iney sidaasi dartood u joojiyeen badeecadihii ay dekedda kala soo dagi jireen iyo kuwii laga dhoofin jirayba,
Wasiirka dekedaha, Gadiidka Badda iyo Ka hortaga Danbiyada Badda Puntland Siciid Maxamed Raage & Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Siciid Caarshe – Dhaqaaje ayaa meesha ka saaray in wax isbadal ah ay Dowlada iyo shirkaduba Ku sameeyeen Lacagihii laga qaadi jiray Dadka Ganacsatada ah ee Isticmaali Jiray Dekedda.
Waxeyna digniin u Direen Dadka wakiilada ka ah Doomaha, oo diidan iney Doomaha Soo Xiraan
Wasiiru dowlaha wasaaradda Maaliyadda Puntland Maxamud Faarax Beeldaaje Ayaa Sheegay in xal laga gaaray Khaladaad ka taagan Habka Baaritaanka Tayada Badeecadaha laga soo dajiyo Dekedda ee loo yaqaano (Quality Control-ka), Wuxuuna sheegay iney jiraan dad siyaabo kale oga fa’ideysanaya Arintaasi.
Ugu danbeyna Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa ku Eedeeyay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, iney Ku Adeeganayaan Kooxo Gaar ah, Ayna Sabab u yihiin Khilaafaadka Hadda Jira, Isagoo xusay Iney ka firsan Doonaan Rugta Ganacsi ee hadda jirta
Dhowr Cisho waxaa Xaniban shaqadii Dekedda Boosaso, iyadoo aysan jirin wax Doomaha oo Ku soo xirtay.
Dhinaca kale Ganacsatada ayaa ku doodaya Iney Lacago Dheeraad ah ku soo rogtay Shirkadda P&O oo Lagu wareejiyay Maamulka Dekedda Boosaso
Hadii ay sii socoto Arintaan ayaa waxey saameyn ku yeelan kartaa dadka Ganacsatada ah iyo Bulshada Rayidka ahba, waxaana Hadda ay si’weyn u sameysay Dadkii ka Xoogsan Jiray Halkan,
Dhinaca Kale Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo ay SBC Xiriir la sameysay ayeeysan inoo suurta galin inaan arintaasi wax ka weydiino.
DHAGEYSO CODADKA :