Wafdi uu hogaaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo booqasho ku jooga Dalka Suudaan ayaa maanta Magaaladda Khartuum ee xarunta dalkaasi kulan kula qaatay gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalkan Suudaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa lagu soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka ee dalka suudaan, waxaana labada Guddoomiye ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan.
Sidoo kale waxa ay labada dhinac wada qaateen kulan ay goobjoog ahaayeen xildhibaano ka tirsan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Suudaan ,waxaana kulanka looga hadlay sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen, dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dejinta shuruucda Baarlamaanada labada wadan.
Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan nuux oo ah habdhowraha Golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sidoo kale ay labada Guddoomiye ka wada hadleen isdhaafsiga qubaro dhinaca sharciga ah.