DHAGEYSO KHUDBAD : Axmed Madoobe “in daqiiqad la aamuso waa dhaqan gaalo ee aan iska celinno Nimanka”

2

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam,ayaa si weyn u dhaliilay Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyay shirka madaxda uga socda Muqdisho ayaa sheegay in aanay wax micno ah lahayn in Maro guduudan madaxa iyo gacmaha lagu xirto islamarkaana, daqiiqad loo aamuso iyada oo loo baroordiiqayo dadkii ku dhintay weerarradii bishan October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Axmed waxaa uu Madaxda shirka ka qeybgaleysa ugu baaqay in ay iska kaashadaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab,islamarakaana aysan ku xadgubin diinta.

Waxaa uu su’aal ka geliyay halka ay Diinta uga jirto in maro la xirto,daqiiqadna la aamuso,taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay dhaqan gaalo oo aan Diinta Islaamka ku jirin.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in maalin kasta la baroordiiqayo haddii aan la iska celin Al-shabaab,waxaana uu soo jeediyay in dowladda iyo dowlad Goboleedyada ay meel uga wada jeestaan Al-shabaab.

Comments are closed.