Ciidamo Itoobiyaan oo ka soo gudbay sohdinta Dalka Itoobiya

2

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo lagu qiyaasay ilaa iyo kun askari oo wata 30 gaari oo Ethiopian ah ay Saacadihii udanbeeyay ka soo gudbeen xuduuda Somalia ee Doolow ee Gobolka Gedo.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka caawin doonaan ciidamada Soomaaliya duulaan cusub oo uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka dhan ah al-Shabaab, kadib qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Isgysa Zoobe ee Muqdisho.

Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin Dhameystiran ka bixiyaan ciidamadan iyo ujeedadooda, hase yeeshee waxeyku gaabsadeen in ciidamo Ethiopian ah ay horey u joogeen gobolka, isla markaana uu socdo abaabulka duulaan xooggan oo ka dhan ah al-Shabaab.]

Gudoomiye ku xigeenka Amniga gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq alqaadi ayaa sheegay iney Jiraan Ciidankan mar walbana Ciidankan ay ka soo gudbaan xuduuda oo ay uyimaadaan Dalka howlgalka ka dhanka ah Shabaab

Dhinaca Kale Al-Qaadi waxa uu ka hadlay Xogta ay ka hayaan dhaqdhaqaaqyada iyana dhankooda ay ka wadaan Shabaabka ku sugan deegaano Kamid ah Gobolka Gedo.

Ethiopia ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo qeyb ka ah kuwa AMISOM, bishii October ee sanadkii tagayna ciidamo badan oo aan qeyb ka aheyn howlgalka oo Ethioopia ka joogay Soomaaliya aya baaneeyay saldhigo badan oo ay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kaga sugnaayeen.

Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhawaan Booqasho uu ku tagay dalka Itoobiya waxa uu Ra’iisul wasaare Diseglian kaga dalbaday Kaalmo ku aadan dagaal uu sheegay iney ku ekeynayaan meelaha Shabaab kaga suganyihiin dalka.

Comments are closed.