Waxaa Saaka oo Khamiis ah Degen Xaaladda Magaaladda Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari, Taasi oo ay shalay Hareeyeen Mudaharaadyo Qasaaro Geystay.
Ciidamo Badan oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa lagu arkayaa saaka wadooyinka Waaweyn ee magaalada, iyo Xarumaha dowladda.
Banaanbaxyadii Shalay ayaa waxaa ku dhinay Hal Qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen ilaa 2 qof oo Kamid ahaa dadkii Ka banaanbaxayay Xirnaashaha Dekedda oo Wali Khilaaf ka Taaganyahay,
Dhinaca Kale waxaa wali Xaniban Howlihii Shaqo ee Marsada Boosaso, oo aheyd Isha Kaliya ee dhaqaalaha Puntland, ayna ku tiirsanaayeen Boqolaal Qof oo isugu Jiray Xoogsato iyo Gaadiidley.
Wasiirka Dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage oo shalay ka hadlayay Warbaahinta Gudaha ayaa Ku baaqay In dadka banaanbaxaya ay Guryahooda dib ugu laabtaan, wuxuuna wali ku adkeysanayaa in Aan waxba laga badalin Dhaqaalihii Dekedda.
Maanta, maalintii Todobaad waxaa Xiran Dekedda Boosaso oo aysan wax badeeca ah ka soo Degin Lagana Dhoofin.