Taliska militariga Dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Xubno ka mid ahaa Xoogaga Xarakada Al Shabaab ay ku leen iska horimaad ka dhacay Magaalada Lamu ee Dalka Kenya.
Afhayeenka Ciiddamada militariga ee Dalka Kenya, David Obonyo ayaa waxuu sheegay in howlgallo roondo ah ay militariga ka wadeen Degaano ka mid ah Magaalada Lamu.
Waxuu tilmaamay in xubno ka mid ah Al Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Ciidamada militariga balse ay iska caabiyeen, islamarkaana halkaasi ay ku dileen labo ka mid ahaa Al Shabaab.
Afhayeen David Obonyo ayaa shaaciyay in ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Deegaanada dhaca Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.
“Waxaan labo ka mid ahaa Al Shabaab ku dilnay Magaalada Lamu, waxaana sidoo kale ka qabsanay hub iyo waxyaabo kale oo loo adeegsado qaraxyada” sidaasi ayuu yiri Afhayeenka.
Bishii la soo dhaafay ayee aheyd markii 5 ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab lagu dilay howlgallo laga sameeyay Degaano hoostaga Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.