DHAGEYSO : Qodobadii Ka Soo Baxay Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya

0

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa ahaa Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka tirakoobka Qaranka waxaana Baarlamaanka hortegay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Marka hore Jamaal Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ayaa xildhibaanada ka hor akhriyay hindise Sharciyeedka tirakoobka Qaranka waxana uuna sheegay in sharcigaan uu awood u leeyahay soo aruurinta keydinta falaqeynta iyo daabacaada macluumaadka xogta dhaqaalaha Bulshada iyo tirakoobka dadka Wadanka ku nool.

Dhanka kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa aragtiyo kala duwan dhiibtay Sharciga tirakoobka Qaranka.

Sikastaba Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli waxaa horyaalla Sharciyo dhowr ah kuwaas oo u baahan kadib doodis in la meel mariyo halka ay kuwo kale horay u meel mariyeen oo uu ugu weeynaa Sharciga Isgaarsiinta dalka.