TOP DHAGEYSO WAREYSI : Aabaha Dhalay Gabar Soomaaliyeed oo lagu kufsaday Boosaso Oo Ka hadlay Xaalada Gabadhiisa.

0

Sh. Maxamed Cabdi Xayi Oo Ah Aabaha Dhalay Gabar 15-jir ah oo Lagu waxyeeleeyay Magaaladda Boosaso, ayaa ka sheekeyay Qisada ku dhacday Gabadhiisa,

Waxuuna sheegay in khilaaf soo kala dhex galay Gabadha iyo Nin Ay la hasaawaysay uu sababay inuu Dhibaato u geysto gabadhaasi, Oo Muddo kooban Joogtay Magaaladda Boosaso,

Aabe Maxamed ayaa sheegay in gabadhu ay Raacday markii hore Gaari uu watay Ninkaasi, Kadibna uu kala baxay magaalada isaga oo isku dayay inuu Kufsado, laakiin ay Iyado ka diiday, wuxuuna Markii danbe Xabado kaga dhuftay Qeybta Hoose ee jirka gaar ahaan Xubinta (Taranka),

intaasi kadibna uu Goobtii oga Tagay Gabadha, Ayna ku dhacday Hal Xabo, Waxaana Halkaasi ka qaaday Dad goobta ka agdhawaa Sida uu sheegay aabaha Dhalay gabdhaasi lagu dhibaateeyay Magaaladda Boosaso 27-ka Bishii Hore ee October,

Sidoo Kale Maxamed Cabdi Xayi oo La hadlayay AGGM Ayaa sheegay in Gabdhaasi uu Dhibaatadan u geystay Nin Askari ah oo ilaalo u ahaa Agaasimaha Hay’adda Ciidamadda Badda Puntland ee (PMPF)

Ugu danbeyn ayuu Ka codsaday in Laga qeyb qaato sidii gabadhaani Ay u heli laheyd Gurmad caafimaad oo wanaagsan, Wuxuuna ka codsaday Hay’adaha Garsoorka & Cadaaladda ee Puntland in si deg deg ah sharciga loo horkeeno, lalana Xisaabtamo, Askarigii Falkaasi geystay.

Xiriiro ay AGGM La sameysay Taliska Ciidamada uu ka Tirsana Askarigan Eedeynta loo jeediyay ayeeysan inoo suurta Galin inaan Helno, Sido kale waxaan isku daynay inaan la hadalno Wasaaradda Cadaaladda ee Puntland oo iyadana ka Gaabsatay.