Guddiyadda Difaaca, Maaliyadda iyo Gaadiidka ayaa Maanta kulamo gaar gaar ah ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda Joogtada ah ay ku kulmaan ee Villa Hargeysa.
Ajanayaasha Guddiyadda ay kawada hadleen waxaa kamid ahaa:-
Guddiga Difaaca ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Jen. Cabdiweli Jaamac Gorod kulnkaan ayaa daba socda kulamo xariir ah oo maalmahaan Guddiga la lahaa Ma’suuliyiinta Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya.
Waxaana looga hadlay sida ugu haboon ee Dib u qaabeyn loogu samayn karo Ciidanka Dowladda dalka.
Guddiga Maaliyadda ayaa Sidoo kale la kulmay Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyagoona ka wada hadlay Xisaab xirka Miisaaniyadda 2016-ka.
Ugu Danbayntii Guddiga Gaadiidka ayaa iyana yeeshay kulan ka mid ah kulamadooda caadiga ah waxaana looga hadlay Dajinta Qorshe howleedka Guddiga iyo la kulanka ilaa 4 Wasaaradood oo uu Guddiga ku leeyahay kor joogtayn-tooda.