Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo maanta ka qeyb galay kulanka Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay dagaalka cusub ee lala galayo Xarakada Al Shabaab.
Waxaana uu sheegay in Maamulkiisa uu u diyaar garoobay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, si looga saaro guud ahaan Gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.
Sidoo kale Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa hoostya ka xariiqay in Jubbaland ay ciidamo gaar ah u diyaarisay dagaalkan, si looga guuleysto Al Shabaab.
Waxaana uu ugu baaqay madaxad Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada in aan lagu mashquulin Siyaasadda iyo arrimo kale ee meel looga soo wada jeesto dagaalka Al Shabaab
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed “ Farmaajo” ayaa ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kadib qaraxii 14 ki bishii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana tan iyo markaasi Dowladdu ay waday abaabullo loogu jiro, sidii loo qaadi lahaa gulufka dagaal ee Al Shabaab oo weli ku xoogan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.