Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali “Gaas”oo maanta ka qeyb galay kulanka xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay dagaalka Al Shabaab iyo Daacish.
Waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in laga hortago khatarta kooxda Daacish oo uu tilmaamay in ay ku sii xoogeysaneyso gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale Cabdiweli Maxamad Cali “Gaas” Madaxweynaha Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Al Shabaab ay ka halis badan tahay Daacish oo hadda ku sugan deegaano ka tirsan Puntland.
Waxaana uu ku baaqay in dagaalka Al Shabaab kaliya aan xooga la saarin ee loo baahan yahay in laga hortago khatarta garabka Daacish ee ku sugan Soomaaliya.
Dhawaan ayey ahayd markii diyaaradaha Mareykanka ay duqeyeen Buuraleyda Gobolka Bari, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin xubno ka tirsan Ururka Daacish.