Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo sidoo kale goobta ka hadlay arrinta federaalka ‘Aqalkan waxaa uu ku dhisan yahay waa federal, waxa aad isugu timaadeen waa federal, waxa naga dhaxeeya waa federal, ma aha in Soomaaliya la kala goygoynayo ee micnaha waxaa uu yahay, war bal sidee wax lagu noqdaa, isku keenistooda, horusocodkooda iyo wadistooda’
“Inta aan wax kale la sameyn in la saxo dastuurka ayey aheyd waxa siyaasad ahaan ugu heshiinay, taa maxaa ka soo baxaya, aqalka sare oo maanta aan fadhinno ee aan leenahay waa uu na matalaa, oo dowlad goboleedyada ayuu matalaa, oo federalka ayuu matalaa in isaga laftiisa la aqoonsado shaqada weyn ee uu noo hayo, maanta lama yaqaano aqalkan waxa uu yahay……daa daraadeed idinka, aqalka golaha shacabka, xukuumadda iyo maamul goboleedyada laga wada shaqeeyo waxaan heshiis ku nahay oo dastuurkaas ah laga wada shaqeeyo, oo la meel-mariyo, haddii taasi dhici-weyso waa la is-qab-qabsan”