DHAGEYSO : Khudbadii Madaxweyne Gaas uu maanta Ka Hor Jeediyay Xildhibaanada Aqalka Sare.

0

Kulanka Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah oo uu shir guddoominayey guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) waxaa maanta marti ku ahaa madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

Kulanka oo loogu magac-daray is-xog-wareysi waxaa furay guddoomiye Bukhaari isaga oo hor-u-dhac ku sheegay waxa u qabsoomay golaha kalfadhigii hore iyo midkan, kadib waxaa ku soo dhaweeyay madaxda maamul goboleedyada Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfuur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali oo goobta ka hadlay waxaa uu sharaxay shirkii Muqdisho ka dhacay “Shrikii aan halkaan u nimid waxaa uu dhexmaray dowladda Federaalka iyo dowlad goboleeyada xubnaha ka ah, runta waxaa waaye in la heshiiyo waa waajib, waana wax lagu qasbanyahay, waxaa qasbaya Soomaalnimada, waxaa qasbaya xaaladda uu dalka ku jiro, waxaa qasbaya mas’uuliyadda qof walba saaran ama ha noqdo madaxweyne dowlad goboleed ama ha noqdo madaxweyne Fedaraal mas’uuliyadda nasaaran ayaa qasbeysa”

Gaas oo sii hadlaya waxaa uu leeyahay “Shalay ayey aheyd markii runtii aan lahaa dad annaga hadda aan na dooran oo cod nagu laheyn oo waxa aan sameyneyno aan ku laheyn fikir, oo waxa naga dhaxeeyo oo aan ku murmeyno talo iyo xog ku laheyn ayaan mustaqbalkoodii isticmaaleynaa, waa jiilalka soo socda maalin walba dowlad ayaa la dhisaa, afarsano ayey jirtaa waa la murmaa waqtiga sidaas ayuu oga dhamaadaa. Aqalka sare maanta waxaad tihiin hay’adda dalka ugu muhiimsan marka la eego awoodihiina dastuurka waa inuu sida saxda ah uu u dhigaa aqalka sababtii loo dhisay ayaan ognahay”.