UK: Wasiirad Fadeexad ka heysato Kulamo qarsoodi ah oo ay la yeelatay Israel

0

Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ee dalka UK Ms.Priti Patel ayaa laga cabsi qabaa inay xilkeeda ku weyso kulamo qarsood ah oo ay la yeelatay Madaxda Israel, haweenaydan ayaa kamid ah xubnaha xiriirka dhow laleh maamulka Yahuuda.

Wasiirada ayaa ka qarisay dowlada iyo Wasaarada Arrimaha Dibada kulamo ay si shaqsi ah ulla yeelatay Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu xili ay fasax ku joogtay Israel, waxay sidoo kale qarisay kulamo kale oo ay la yeelatay saraakiil ka socda maamulka Israel kulamadaasi oo dhacay bilihii Agoosto iyo September.

Kulamadan ayaa ah sharci daro ka horimaaneysa xeerka u yaal Golaha Wasiirada ee dalkaasi UK, iyadoo Wasiirada Isniintii looga yeeray Xafiiska Raysalwasaare Theresa May oo ku canaanatay Wasiiradaasi khaladka ay gashay.

Balse Salaasadii shalay ayey warbaahinta UK soo bandhigeen in Wasiirada ay kulamo dheeraad ah la yeelatay xubno ka socda Israel, kulamadaasi oo laga qariyey dowlada UK, arrintan oo cirka kusii shareertay fadeexadan heysata Wasiirada.

Wasiirada oo hada safar shaqo ku joogta dalka Ugandha ayaa maanta oo Arbaca ah gelinka danbe lagu waday inay kulamo la yeelato madaxda dowladaasi, walow kulamadaasi hada la sheegay in la joojiyey.


Ms.Priti Patel ayaa xilka Xoghayaha Horumarinta Caalamiga soo heysay tan iyo bishii July ee sanadkii hore 2016, waxayna horaantii sanadkan safar ku timid magaalada Muqdisho oo ay kula kulantay Garoonka Aden Cade xubno uu hogaaminayey Raysalwasaare Xassan Cali Khayre.

Haweenaydan ayaa horey usoo qabatay xilal kala duwan waxayna sidoo kale kamid tahay Xildhibaanada Xisbi Xaakimka Conservative Party ee lasoo doortay sanadkii 2010. Waxay kamid ahayd xubnaha Xagjirka ah ee u ololeenayey in dalkaasi UK isaga baxo Midowga Yurub.

Dhinaca kale Ms.Priti Patel ayaa kamid ah siyaasiyiinta UK ee sida weyn ugu ololeeya Israel, waxayna horey uga tirsaneyd kooxda la baxday [Conservative Friends of Israel].