Dood Adag oo u dhaxeysa Sadexda Musharax ee Xisbiyada somaliland u Tartamaya Sanadkan ayaa ka dhacday Magaaladda Hargeysa,
Waxaana Toos Looga Daawanayay Warbaahinta SBC.
Doorashada
Waxyaabaha taariikhiga ah ee doorashadan ay kaga duwantahay kuwa badan oo Afrika inteeda kale ka dhaca ayaa ah in uusan tartamaynin madaxweynaha hadda xilka haya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Waxaa intaas sii dheer in ololaha doorashada oo billowday 21-dii Oktoobar uu si nabad galyo ah ku socdo, aysana jirin wax dhibaato ah oo ka dhacday, iyo xanibaad dhanka dowladda ka timid.
Guddiga doorashooyinka iyo habka doorashada u dhacayso waa mid waqti badan la galiyay, wadar-ogolna laga wada yahay si ka duwan meelo badan oo Afrika ka mid ah.
Doorashada oo ay ka qeybqaadanayaan wax ka badan toddobo boqol kun oo codbixiyeyaal ayaa waxaa u loolamaya saddex musharax oo ka kala socda saddexda xisbi ee kala ah Kulmiye oo uu u sharaxanyahay Muuse Biixi Cabdi, Waddani oo uu u sharaxanyahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo UCID oo uu u sharaxanyahay Faysal Cali Waraabe.
HOOS KA DAAWO DOODA :