DHAGEYSO FAAH FAAHIN : Mareykanka oo Duqeyn ka fuliyay Gobolka Baay

0

Millitariga Maraykanka ayaa sheegay dhowr dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al-shabaab in ay ku dileen duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday dalka Soomaaliya.

Duqeyntan cirka ah ayaa galabnimadii Khamiistii waxa ay ka dhacday gobolka Bay gaar ahaan meel qiyaastii 160-KM dhinaca galbeed kaga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, Sidaasi waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay Taliska Maraykanka ee Africa (AFRICOM).

Taliska si dhaqsi ah uguma jawaabin su’aal aheyd haddii ay jiraan dad shacab ah in ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen duqeyntan ay sheegeen in ay la beegsadeen xubno ka tirsan Shabaab.

Maraykanka ayaa qaadayay howlgalo dhanka cirka ah oo ka dhan ah dagaalyahanada ururka Al-shabaab sanadkan, ka dib markii uu amray Madaxweynaha Maraykanka Trump in la sii balaariyo duqeymaha lala bartilmaameed-sanayo ururka Al-shabaab.

Wargeyska The Long War Journal ayaa sheegay in sanadkan kaliya ay dhaceen 15 duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhan ururka Al-shabaab.

Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntii ugu dambeeysay ay ku dhacday wada shaqeyn ay ka heleen Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka sida gaarka ah u tababaran.

Bilawgii bishan Maraykanka ayaa duqeyntii ugu horeeysay waxa uu la bartilmaameedsaday dagaalyanada kooxda Daacish ee ku sugan dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan Waqooyiga Bari ee Soomaaliya.