DHAGEYSO WAREYSI : Puntland oo Ku Hanjabtay Dagaal Hadii Somaliland ay Timaado Xaduuda Sool & Sanaag.

0

Shirka golaha xukuumadda Puntland oo uu shir guddoomiyay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa looga hadlay amniga dalka, shirkii wadatashiga qaran ee Muqdisho, amniga xuuudaha Puntland, Horumarinta garoomadda Puntland iyo sharcsiga siyaasadda wadaaga.

Golaha xukuumadda ayaa cadeeyay in aysan ka dhici doonin doorashooyin ka yimaada dhinaca Somaliland xuduudaha gobolada Sool, Haylaan, Sanaag iyo Cayn ee Puntland

Puntland ayaa sidoo kale cadeysay in ay ilaalinayso nabadgelyada, xasiloonida iyo deganaanshaha Soomaaliya, isla markaana aysan ogolaan doonin daandaansiga ka imanaya maamulka Somaliland ee ku aadan xuduudaha Puntland.

Dhageyso Wasiiru dowlaha Xiriirka Golayaasha Ahna Afhayeenka Xukuumadda Puntland Oo la Hadlayay All-Galgaduud .