Warbixin lagu daabacay wargayska Ecomist ayaa lagu sheegay in dhibaatooyinka ka jira wadamada carabta ay dadka ku khasbayaan inay noqdaan Cilmaaniyiin( kuwa diinta ka fog)
Masar waxaa aad u kordhay dumarka madaxa qaawan ee baararka fadhiya ee badeecada dhuuqaya, qaarkoodna waxay cabayaan khamriga oo diinta islaamku ay xaarantimaysay. waxay dhinaca ku hayaan rag cabaya badeecad. Waxaa hoos u dhacay dhalinyarada masaajidada salaada ku ooga. Waxaa la xiray masaajidyo tiro badan. Waxaa la mamnuucay in qoysaska gowracaan xoolaha udxiyada (Fasax la’aan)
Masar , 84% waxaa hoos u dhacay dadka taageersan in shareecadda Islaamka wax lagu xukumo. Imaraadka, Dhaxal sugaha Maxamed Sheekh Zayid wuxuu haweenka u ogolaaday in ciidamada milateriga ku biiraan, iyagoo xiranaya dirayska raga, wadooyinkana ku xaragoonaya (Gabadhiisa ayaa ka mid ah kuwa ciidamada ku biiray)
Sucuudiga, Dhaxal Sugaha Muhammad bin Salman wuxuu isbedel ku sameeyay dhammaan sharciyadii boqortooyada ee muxaafidka ah, wuxuu dhisayaa magaalo casri ah Dubai oo kale ah ama London oo kale, 500 bilyan oo dollar ayaa ku baxayso.. wuxuu cayriyay, qaybna xabsiga dhigay culumo iyo imaamyo,. isagoo hirgaliyay xarunta casriyaynta sucuudiga.
Inkastoo, warbixintan u muuqato mid la buunbuuniyay, Haddana Madaxda Carabtu waxay dhiirigalinayaan in haweenku banaanka u soo baxaan, khamriga, badeecada iyo balwooyinka kale ay isticmaalaan.. ( gaar ahaan wadamada khaleejka oo dhaqan ahaan ahaa kuwo xirxiran)