TOP DHAGEYSO : DF “Waalaga hortagayaa dadka sameeya wararka been abuurka ah”

0

Kulankii Golaha Wasiirada ayaa si adag loogu hadlay baahinta wararka been abuurka ah iyo xaaladaha lagu kicinayo dadka Soomaaliyeed.

Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in talaabo adag laga qaadayo dadka mar walbo bulshada usoo bandhiga wararka been abuurka ah.

Xukuumada ayaa sidoo kale sheegtay in aan loo dulqaadan Karin in la kiciyo oo xaalad jahwareer la geliyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in talaabo laga qadayo cid walbo oo bulshada kicisa una soo bandhigta warar been abuur ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in maalmihii dambe Magaalada Muqdisho ay ku soo badanaayeen dad baraha bulshada ku faafinaya warar been abuur ah oo ay ka mid ahaayeen in meelo uusan qarax yaalin la dhaho qarax baa mee hebel yaalo sida uu wasiir ku xigeenka sheegay.

Ka dib qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee loo adeegsaday gaariga xamuulka ahaa ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay dadka reer muqdisho waxa ay bilaabeen iney ka shakiyaan gaadiidka waa weyn ee xamuulka.

Waxaana mararka qaar dhacday in ciidamada amaanka ay si kedis ah ku xeraan wadooyinka Muqdisho oo laga shakiyo gaadiidka qaar.