Iyada oo dhowaan Doorasho Madaxweyne ka dhacday degaanada Somaliland ayaa Xukuumadda weli talada ka heysa maamulkaasi Somaliland waxa ay digniin u jeedisay xisbiyadii ku tartamay Doorashada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Somaliland Yaasiin Ciise Fara-tool oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay xilligan in aan loo baahneyn in la marin habaabiyo dadka ku nool gudaha maamulka Somaliland, kuwaasi oo ka dhowr sugaya natiijada Doorashadii dhacday.
Yaasiin Ciise Fara-tool Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa xusay in hadii xisbiyada qaar ay qabaan dareen ah in ku shubasho ay dhacday intii ay socotay Doorashada Madaxweynaha maamulka Somaliland ay la xiriiraan Guddiga Doorashada.
Wuxuu sheegay ilaa hadda in aysan jirin cid cadeyn karta qofka ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha maamulka Somaliland, maadaama ay weli socoto tirinta codadkii la dhiibtay.