DHAGEYSO WAREYSI : Wararkii ugu danbeeyay ee Dagaalada Gobolka Sool & Tirada Dhimashada.

0

Ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaallamayey ka tirsan ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal Aroornimadii Hore ee saaka ka qarxay deegaan ka tirsan gobolka Sool.

Dagaalka oo ilaa duhurkii ah ka socday halka lagu magacaabo Qori-leey ayaa salka ku haya deegaan iyo aano qabiil.
Wararku waxay sheegayaan in hub culus oo tikniko ah ay labada dhinac isu adeegsadeen.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay, kaasoo u dhaxeeya laba beelood, ayey dad goob joogeyaal ahi sheegayaan inuu aad u weyn yahay.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maalintii seddexaad u jooga degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal sidii loo soo afjari lahaa dagaalka.

Goobjooge ku sugan gobolka Sool, gaar ahaana deegaanka Kala-beyr oo la hadlay AGGM ayaa sheegay in dagaalkan uu Horay oga dhacay deegaanada Gumburka iyo Cagaare ee Koofurta gobolka Sool

DHAGEYSO CODKA GOOB-JOOGAHA :

Maalmo ka hor ayuu dagaal labada dhinac dhex maray galaaftay nolosha ilaa 10 qof.

Dagaalkan ayaa sida wararku sheegayaan wuxuu daba socdaa dagaallo 10-kii sano ee la soo dhaafay dhex marayey qabaa’il deegaannadaas wada dega.

Dhiniciisa Garaad Cabdirsaaq Garaad Soofe oo kamid ah Isimada Gobolkaasi oo La hadlayay Warbaahinta ayaa Sheegay in wax laga xumaado ay Tahay Xiisada u dhaxeysa dadka walaalaha ah ee deegaankaasi dib oga soo cusboonaatay,

Wuxuuna ugu Baaqay Maleeshiyada labada dhinac iney hubka dhigaan oo nabad ku soo dabaalaan Xaaladda hadda ka taagan Halkaasi

DHAGEYSO WAREYSIGA GARAADKA :