DHAGEYSO WAREYSI : Xiisad Culus oo ka Taagan Magaalada Baled-xaawo iyo Ciidanka Kenya oo Gudaha u soo Galay.

0

Magaalada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo, waxaa ka taagan xiisad culus oo u dhaxeysa Ciidamada Kenya oo xuduuda ka soo tallaabay iyo dadka shacabka ah ee Magaaladaasi ku nool.

Xiisada oo tan iyo shalay taagneyd, ayaa sii xoogeysatay maanta, kadib markii ciidamada Kenya qiyaastii 100 tallaabo ay ka soo gudbeen xadbeenaadka u dhaxeeya xuduuda Baled Xaawo ay la wadaagto dhanka Magaalada Mandhera.

Shacab badan oo arintaasi ka carooday ayaa isugu soo baxay Magaalada Baled Xaawo, waxaana shacabkaasi rasaas xooggan u adeegsaday ciidamada Kenyan-ka ah.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya rasaas xoogan ay ku kala eryeen dadkii shacabka ahaa ee Magaalada isugu soo baxay, kuwaasi oo ka soo horjeeday doonista ciidamada Kenya ee dhulka Baled Xaawo.

Nabadoon Cali Bidaar oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Degmada Baled Xaawo, ayaa sheegay in xaaladda Magaalada maanta aad u kacsan tahay.

Wuxuu sheegay haddii masuuliyiinta Gobolka aysan wax ka qaban dhibaatada ka taagan Degmada Baled Xaawo, xaalada ay sii adkaan doonto.

Maamulka Degmada Baled Xaawo, weli kama aysan hadlin dhibaatadan ka taagan Magaaladaasi Baled Xaawo.