Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax ay Caruur ku dhinteen oo Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Mandera Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Qaraxan ayaa ka dhacay Deegaanka Banisa oo hoos yimaada Magaaladaasi Mandera, gaar ahaan goob ay ku Ciyaareen Caruur fara badan.
Waxaana halkaasi ku dhintay ugu yaraan 5 Caruur ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Mandera Mathias Chisambooo bmehs oo booqday Deegaankaasi ayaa sheegay in haatan ay baaritaano ku hayaan qaraxaasi.
Waxaana uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Al Shabaab oo inta badan weerar ka fuliya Gobolkaasi.
Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan qaraxaasi, balse had iyo jeer Al Sahabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ka fuliya halkaasi.