DEG DEG : Faroole oo eedeyn u jeediyay Gudoomiye Jawaari iyo Wasiir Xoosh Jabriil

0

Xildhibaan C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka, ayaa eedeyn wuxuu u jeediyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Wasiirka Dastuurka Somaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Faroole ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya inuu faro-gelin xooggan ku hayo Dowlad Goboleedyada dalka, islamarkaana ay bur burinayaan Nidaamka Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay faragelinta Gudoonka Golaha Shacabka ee Maamul Goboledyada inay muuqato, isaga oo tusaale u soo qaatay Shir uu sheegay in loo qabanaayo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul Goboledyada.

Xildhibaan C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, isaga oo ku eedeeyay in uu Dastuurkii ku falaaday oo buug jeebkiisa ah qortay,waxaana Faroole sheegay in arrintaasi ay fududaysay UN-ka gaar ahaanna hay’adda UNDP.

Wuxuu sheegay Faroole Dastuurka Somaliya inuu yahay mid ka dhaxeeya shacabka, wuxuuna fariin u diray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo uu ka dalbaday inuu soo farageliyo hawlaha ay faraha kula jiraan UNDP.

Wasiirka Dastuurka Somaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa wada wadatashiyada kala duwan ee ku aadan Dastuurka Somaliya oo dib u eegis loo qorsheynaayo.