Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh Maxamad Maxamuud Faroole oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah .
Farooole ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalama degaanno hostaga Cagaarre ,wuxuuna codsaday in dhammaan la isu tago si loo joojiyo colaaddaas
Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka hadlay faragelin uu sheegay in ay wadaan gudoomiyaha golaha shacabka iyo wasiirka Dastuurka isagoo ku tilmaamay in ay la wareegeen awoodihii hay’adaha dastuuriga.
” Guddoonka golaha shacabka waxaa ugu baaqayaa fara gelinta haka daayo maamul goboleedyada baarlamaanadooda oo hadba meel ku casuumayo oo faraha ha kala baxo, Haddii aqalka sare uu dhismay golaha shacabka waxa uu ahaanayaa
hal aqal ” ayuu hadalkiis ku daray Cabdiraxmaan Faroole.
Sidoo kale Faroole waxaa uu sheegay in dib u eegistii dastuurka ay soo dhammaatay, isla markaana qodobada qaar ee dastuurka ku jirana ay ahaayeen kuwo la laalay, maadaama aqalka sare iyo dowlad goboleedyada ay sameysmeen, howsha dastuurka ay u xil saaran tahay guddiga madaxa bannaan oo ah cidda qoreysa.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole ayaa uu ugu baaqay UNDP in ay joojiso maal gelinta ay ku bixineysa howsha uu wado Wasiir Xoosh, isagoo baaq u diray Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.
” Hay’adda UNDP horumar ayay ka shaqeysaa ma haboona inay siyaasad ka shaqeyso, waxaa leenahay ha joojiyeen maal
gelinta ay ku wadaan howsha Wasiir Xoosh iyo Jawaari Ay wadaan ” Ayuu Sheegay xildhibaanka oo Ka hadlayay Shirkiisa Jara’id ee Garoowe.
Faroole ayaa Ugu danbeyn ka digay dad uu sheegay iney ka Hor imaanayaan Mashaariicda hormarineed ee ka socda Puntland, gaar ahaana Mashruuca Balaarinta dekedda Boosaso iyo Dhismaha wadada isku xiraysa Garowe & Eyl oo
iyadana ay dadi ka soo Horjeesteen,
Mashruucii Dekedda Boosaso ee Dowladda puntland ay la gashay Shirkadda P&O ee Imaaraadka ayuu sheegay inuu yahay
mid guul ah, Dekedda Boosasana ay u baahneyd Hormarka noocaas ah.
DHAGEYSO WARBIXIN :