Maamulka Galmudug ayaa Dhisme ku bilaabay Garoonka Magaalada Dhuusamareeb ee Xaruunta Gobolka Galguduud ahna Caasimada rasmiga ah ee Maamulka Galmudug.
Manaasabad lagu daahfurayo Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada DhuusamareebUgaas Nuur ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Maamulka,Maaulka Degmada Dhuusamareeb iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Dhuusamareeb.
Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xaruunta Gobolka Galguduud ayaa waxaa dhisaya Shirkada Kulan oo ka mid ah Shirkadaha dhisa Garoomada.
Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug Macalin Nuur Cilmi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo gacan ka geysanaysa dhismaha Goobaha loogu adeego Bulshada iyo Maamulkaba.
Dhanka kale Madaxa Shirkadda dhisaysa Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb Careed Macalin Axmed oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka go,an tahay Dhismaha Garoonka.
Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka mid ahaa Goobihii ku burburay Dhibaatoyinkii ku Dhacay Qaranka Soomaaliyeed.
Maamulka Galmudug ayaa horay u sheegay in ay xoogga saarayaan dibu dhiska Garoomada hoose yimaada Maamulka Galmudug ee Gobolada dhexe.
Halkaan hoose ka dhageyso Codadka: