Hantidhawraha guud ee Soomaaliland Saciid Saleemaan Mire, ayaa ku dhawaaqay in dib u eegis iyo baaris ay ku sameynayaan 16 sharikadood oo waddani ah oo heshiisyo gaar ah la galay wasaaradaha iyo hay’adaha Maamulka.
Waxa uu shegay in qaarkood ay qabtaan dakhliga dawladda. shirkadahaasi oo ay ka mid yihiin kuwa haamaha kaydka shidaalka ee berbera .
Hantidhawraha guud oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa waxa uu sheegay in tallaabadaani ka mid tahay ballanqaadyadii madaxweynaha dhowaan la doortay ee la dagaallanka musuqmaasuqa, sinaanta, iyo sarreynta sharciga.
Saciid Saleemaan Mire ayaa sheegay in iyada oo la fulinayo amarka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi baaritaankaas uu dhawaan bilaaban doono.