Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in markale maanta Dibadbaxyo ay ka dhaceen Degmada Beled Xaawo ee Gobolkaasi.
Waxaana Dibadbaxyadan looga soo horjeedaa Darbiga ay Dowladda Kenya ay ka dhiseyso Xadka ay la wadaagto Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa Dibadbaxayaasha la kulmay, waxaana ay ka dhageysteen cabashadooda, kuwaas oo sheegay in la burburinaya Guryahooda.
Waxaana mas’uuliyiintu ay ballan qaadeen in cabashadooda wax laga qaban doono, islamarkaana aysan dhici doono in Xadgudub loogu geysto Dhulkooda Hooyo.
Muddooyiinkii ayaa xiisadani waxa ay ka taagneyd Magaaladaasi Beled Xaawo, waxaana isku dhacyo ay ku dhaxmareen dadka shacabka ah iyo Ciidamada Kenya.
Waxaan halkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii Ciidamadaasi ay rasaas ku fureen dadka Rayid ka ah.
Comments are closed.