DHAGEYSO : Madaxweyne Gaas Oo Ku Baaqay In La Xoojiyo Nabadda Gobolka Mudug.

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa ka hadlay Nabadda Gobolka Mudug iyo xoojinta heshiiskii dhawaan lagu gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Maamulkaasi.

Waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo Nabadda iyo Xasiloonida Gobolkaasi.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in ka Maamul ahaan ay si weyn u ilaalin doonaan heshiiskii dhawaan lagu gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan Mudug in ay ka qeyb qaataan dadaalada Nabadeed ee ka socda Gobolkaasi.