DHAGEYSO XOG : Kenya Oo Heegan Buuxa Galiysay Laamaha Ammaanka Ee Dalkaasi

0

Dowladda Kenya ayaa heegan buuuxa galisay Ciidamadeeda, si ay uga hortagaan weeraro Al Shabaab ay ka geystaan gudaha Dalkaasi inta ay lagu guda jiro Ciida Kirismaska.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya Larry Kieng ayaa uga baaqay Shacabka deegaanadaasi in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, inta ay ku guda jiraan dabaal daga Ciida kirismaska, islamarkaana haddii ay shaki dareemaan ay la soo xariiraan xarumaha Laamaha Ammaanka ee Dalkaasi .

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab muddooyinkii dambe ay ku soo qul qulayeen Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya, si ay weeraro uga geystaan Dalkaasi, islamarkaana ay arrintaasi ka feejiganyihiin.

Xarakada Al shabab ayaa horay u sheegtay in ay ka dambeeyeen weeraro ay dad badani ku dhinten oo Dalkaasi ka dhacay intii lagu guda jiray Cidii kirismaska ee Sanadkiii 2015-kii