Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta Dalka Yemen ayaa Hanjaabad u dirtay Maamulka Soomaaliland, taas oo ku aadan Saldhiga Milateri ee Imaaraadku uu ka dhisanayo Magaalada Berbera ee Maamulka Soomaaliland
Warbixin Muuqaal ah oo ay soo bandhigeen kooxda Xuutiyiinta ayey ku sheegeen in ay la socdaan Dhaq dhaqaaqdyada Imaaraadku uu ka wado Soomaaliland.
Sidoo kale Xuutiyiinta ayaa ugu baaqay Maamulka Soomaaliland in ay ka laabtaan Heshiiskii dhanka Saldhiga Berbera ee Imaaraadku uu ka dhisanayo halkaasi.
Waxa ayna sheegeen hadddi taasi dhibeyso ay is difaacidoonaan, islamarkaana ay Gantaalo ku garaaci doonan Caasimadda Maamulka Soomaaliland ee Hargeysa.
25-tii bishii May ee Sanadkan ayey ahayd markii Soomaaliland ay Imaaraadka la saxiixatay heeshiis ay Dowladda Imaaraadku Saldhig milateri uga dhisaneyso Magaalada Berbera ee Maamulkaasi.