Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay dambiyada ka dhacay deegaanadeeda sanadan dhamaadka ah ee 2017.
Xafiiska xeer ilaalinta Guud ee Puntland ayaa sanad walba dhamaadkiisa soo saara dambiyadii ka dhacay guud ahaan Puntland, kuwaas oo ay galeen shaqsiyaad kala duwan,i sla markaana qaar kamid ah Cadaaladda la horgeeyo, halka qaarka kalena ay baxsadaan.
Xafiiskiisa Garowe shir jaraa’id Waxaa ku qabtay ku xigeenka Xeerka ilaaliyaha Guud,ahna ku simaha Xeer ilaaliyaha Guud Maxamed Cali Xareed ,wuxuuna soo bandhigay dambiyadda kadhacay Sagaalka gobal ee Puntland Sheegato.
Gobaladda Puntland Dambiyadda kadhacay Waxaa kamid ah .
Gobalka Nugaal 173 dambi
Gobalka Bari 982 dambi
Gobalka Karkaar 351 dambi
Gobalka Cayn 677 dambi
Gobalka Mudug 169 dambi
Gobalka Sanaag 70 dambi
Gobalka Haylaan 150 dambi
Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxamed Xareed Faarax ayaa ka hadlaya sido kale Bilihii u dambeyaay dambiyada kale ee dhacay ,waxaana Guud ahaan Dambiyadda kadhacay Puntland uu ku sheegay xeer ilaaliye ku xigeenka 3,853 Dambi ,ama Kiis.