Mareykanka: Somaliya wuxuu Sanadan ka geystay 34 Weerar, Labo kamid ah ayaa Hogaamiyayaal lala bartilmaameedsaday

0

Dowladda Mareykanka ayaa sanadan laba jibaartay Duqeynta ay ka geysato Somaliya tan iyo markii bilowgii Sanadan la doortay Madaxweyne Donald Trump.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa Sanadkan oo kaliya Somaliya ka geystay 34 Weerar oo ay la bartilmaameedadeen Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan qeybo badan oo kamid ah Gobolada Dalka Somaliya, Sanadii hore ee 2016, Mareykanka waxa uu geystay 14 Weerar oo kaliya.

Mareykanka ayaa sidoo kale badalay Istiraatijiyada weerarada ka dhanka ah Shabaab, horay waxa uu ubartilmaameedsan jiray Hogaamiyayaasha balse markan waxaa duqeymo gaaraya 28 lala eegtay Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab, Laba weerar oo Kaliya ayaa lagu dilay Cali Jabal oo Shabaab Gobolka Banaadir uqaabilsanaa iyo C/raxmaan Xudeyfa oo Jubada Hoose uqaabilsanaa.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya C/ xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa isagu qaba in duqeymahan ay Kaalmo noqon karta oo kaliya balse aysan buuxin karin Kaalinta laga doonayo Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed, Fiqi ayaa soo jeediyay in Mareykanka Tababaraan Ciidanka Somalida ayna udhameystiraan agabkooda si ay dalka uga saaraan Al-Shabaab.

Ujeedka laga leeyahay duqeymahan ayuu ku sheegay iney yihiin sidii Amisom iyo SNA looga taageeri lahaa dagaalka ay kula Jiraan Al-Shabaab.

Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ayaa horay ucodsatay in awood dheeraad ah la siiyo iyaoo ay aqbashay Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Trump, Horay waxey u eheyd in marka Weerar la doonayo Fasax looga soo qaato Aqalka Cad taasoo mararka qaar waqti qaadan jirtay iyadoo bartilmaameedka la ogyahay.

Tan iyo Sanadkii 2006 Mareykanka waxey Soomaaliya siiyeen $1.5 Billion oo gargaar Bini’aadanimo ah si wax looga qbato Abaaraha Macluusha iyo arimaha Qaxootiga

Sidoo kale lixdii Sano ee ugu danbeysay waxey Mareykanka Siiyeen Soomaaliya $240 illion oo qaabilsanaa gargaarka horumarinta dhinaca dhaqaalaha, SIyaasada iyo Waaxda Rayidka.