Xidiga George Weaha oo ku guuleystay madaxtinimada Dalka Liberia.

0

Doorashooyinkii madaxtinimo ee ka dhacay Dalka Liberia ayaa waxaa ku guuleystay Xidiggii hore ee kubadda cagta Dalkaasi George Weah,waxaana uu noqonaya madaxweynaha cusub ee Dalkaasi,kadib markii uu ka guuleystay Joseph Boakai madaxweyne kuxigeenkii dalki Liberia.

George Weah ayaa badeli doonaa madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Ellen Johnson Sirleaf, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee loo doorto inay hogaamiso dal Afrikaan ah, waana markii ugu horreysay taariikhda Liberia muddo tobannaan sanno ah oo awoodda si dimuqraadi ah la isugu kala wareejiyo.

Kdib dagaaladii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay,ayaa waxaa la qabtay doorashadii ugu horeysay oo ay ku guul;eystaya Mrs Sirleaf oo ka adkaatay Mr George Weah wareeggii labaad ee doorashooyinkii la qabtay 2005.

Taageerayaasha madaxweynaha Cusub ayaa bilaabay in ay dabaal degyo ka sameeyaan magaalada Monrovia ee caasimadda dalka Liberia.

Ololaha xidiggii hore ee kubadda cagta ayaa waxa uu ku wajahnaa dhalinyarada, halka madaxweyne ku xigeenka xilka sii banaynaya Mr Boakai loo arkayay inuu yahay nin da’ ah oo waqtigiisii soo qaatay.

Hasayeeshee doorashada Mr Weah ayaanay dood ka marnayn maadaama madaxweyne ku xigeen uu usoo xushay Jewel Taylor, xaaskii hore ee dagaal ooge ahna madaxweynihii hore ee waddankaasi Charles Taylor, kaas oo haatan dambiyo dagaal xabsi ugu jira waddanka UK.

Dalka Liberia ayaa waxaa lagu xasuustaa dagaalo sokeeyo oo muddo sanado ah qaatay,kuwaasi oo ay ku dhinteen kumanaan qof,kuwo kalena ay ka barakeceen guryohooda,balse haatan waxaa muuqataa in dalkaasi uu isbedel siyaasadeed ka jiro