Amniga Magaalada Gaalkacyo oo lagu wareejiyey Ciidamada isku dhafka ah iyo howlgalo ka soconaya.

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in kulan xalay magaaladaasi ku dhex maray Odoyaasha dhaqanka, Maamulka Magaalada, kan Gobolka iyo Saraakiisha Ciidamada isku dhafka ah ay isku afgarteen in amniga Magaalada Si buuxdo loogu gacan galiyo Ciidamada isku dhafka ah.

Howlaha ugu weyn ee ay Qabanayaan Ciidamadaan waxaa ugu horeyn doona, Xakameynta Hubka ay wataan Maleeshiyaadka labada dhinac oo marar badan Sababay Dhimasho iyo Dhaawac kadib isku dhacyo dhex maray labada dhinac.

Sidoo kale Odoyaasha dhaqanka ayaa laga dalbaday in ay Soo gacan galiyaan Qof kamid ah dadka deegaanka oo Sababteeda lahaa Shaqaaqo shalay ka dhacay Suuqa Magaaalada Gaalkacyo, geysatayne Dhimasho iyo Dhaawac.

Ruuxaas oo baxsaday waxaa socda howlgalo lagu soo qabanayo, si ciidamada ammaanka ay ula xisaabtamaan, maadaama Xeerarkii 11-qodob ay kala dhigteen uu dhigaye Soo gacan gelinta dadka dilalka geysta misne baxsada.

Ciidamada sida gaarka ah haatan amniga usii sugaya ayaa durba bilaabay howlgalo ay hubka ugu qaadayaan Maleeshiyaadka hubeysan ee Goobaha dadka isugu yimaadaan hubka la taga.

Qofka la dilay la dilay ayaa ahaa ganacsade Qaadka ah sida ay sheegayaan illo wareedyo ku sugan Magaalada Gaalkacyo.