DAAWO : Cali Khaliif “Somaliland hal beel oo kaliya ku socon weysay”

0

Cali Khaliif Galeyr Madaxweynihii Maamulka Khaatumo ee Heshiiska lagu midoobaye la gaaray Maamulka Somaliland ayaa sheegay in muddo 25-sano ah Somaliland ay noqon weysay Jamhuuriyad iskeeda u taagan.

Waxa uu ka hadlay waxyaabaha sababta u ah in maamulka Somaliland uu heli la’ yahay aqoon, waxa uuna sheegay in ay tahay kaliya in hal beel oo kaliya uu ka kooban yahay maamulka.

Madaxda maamulka oo uu ugu horeeyo Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayuu ka dalbaday in ay ka gacan geystaan sidii maamul uu ka dhex muuqdo Khaatumo la sameeyo, si uu aqoonsi buuxa u helo.

Cali Khaliif ayaa tibaaxay in meelaha qaar uu ka maqlo in heshiiskii uu la saxiixday Madaxweynihii talada maamulkiisa dhamaaday ee Axmed Siinlaayo, uu yahay in mid madadaalo ah.

Arrintaas ayuu ku sheegay in ay dhalin karto saameynta ugu xun, uuna ka digayo, Balse qorshahoodu ayuu ku sheegay in ay tahay sameynta Maamul loo dhan yahay, si aqoonsiga helistiisa fududaado.

Xubno katirsan Maamulka Somailand ayaa heshiiskii ay labada dhinac Waa Somaliland iyo Khaatumo ku shegay mid aanan sharci aheyn, sidaa awgeedne aanan heshiis lagu tilmaami karin, Maadaama aanan Sharci aheyn is afgaradkooda.

Cali Khaliif Galeyr ayaa horay u sheegay in Dowladda Federaalka ay sabab u tahay ku biirista Maamulka Somaliland, Maadaama aanan aqoonsan Maamulka Khaatumo.

Dhanka kale Maaxweyne Muuse Biixi ayaa wada qorshe uu bulshada ugu Qancinayano dhameystirka heshiiska labada dhic, oo u muuqata mid aysan ku qanacsaneen inta badan Xubnihii lasoo shaqeeyey Somaliland