Isku soo baxyo lagu taageeraye Go’aankii Golaha Guud ee QM ay ka qaadeen Arrinta Qudus oo Maanta dhacay.

0

Todobaadkii Afaraad waxaa inta badan Wadamada Islaamka Salaadii Jimco kadib isku soo baxay Kumanaan Muslimiin ah, waxayna kasoo horjeedeen go’aankii Madaxweyne Trump uu Magaalada Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel.

Didbad bixii ugu balaarnaa ayaa maanta ka dhacay Magaalada Cumaan ee Caasimadda Urdun, waxaana afaafka hore ee masjidka weyn Al-Xuseynii isugu soo baxay Dibad baxyaan.

Waxa ay isku soo baxooda ku taageeranayaan Falastiin, iyagoona ku dhawaaqaye ereyo ka dhan ah Yuhuudda iyo Mareykanka.

Khudbadda waxaa looga hadlaye Fadliga Magaalada Barakeysan ee Qudus u leedahay Muslimiinta, iyo sida looga dhiidhin karo Go’aanka Madaxweyne Donald Trump.

Si lamid ah Wadanka Maleysia waxaa ka dhacay Dibad bax Ballaasan, Dibad baxayaasha ayaa maray Wadooyin ku yaalla Magaalada Kuala Lumpur oo ah Caasimadda dalkaasi.

Dadka isku soo baxay ayaa ka mideysnaa dalabaadka ay u jeedinayaan Madaxweynaha Mareykanka, sidoo kalane waxa ay taageerayeen Go’aankii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 21-kii bishaan ay ku seereen tallaabadii Trump ee Qudus ugu aqoon saday Caasimadda Israel.

Wadanka Pakistan iyane isku soo baxyo ayaa ka dhacay, Kumanaan qof ayaa ka qeyb galay Mudahaadka ka dhacay.

Dunida islaamka ayaa ka dhiidhisay Tallaabadii Madaxweyne Trump uu Magaalada Barakeysan ee Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay Caasimadda Yuhuudda, isla markaana uu urarayo Safaaradiisa Tel Aviv.