Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuliyadda qarax Miino oo Saakay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay Nawaaxiga Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo ay Al Shabaab ku baahiyeen barha Internet-ka ayey ku sheegeen in qaraxaasi ay ku dileen illaa 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka AMISOM, sidoo kalena ay halkaasi ku gubeen mid ka mid ah Gawaarida dagaalka, sida ay hadlka u dhigeen.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan qaraxaasi.
Balse had iyo jeer Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada Ciidamada AMISOM, iyo kuwa Dowladda, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.