Trump oo Golaha Ammaanka ee QM ugu baaqay qabashada shir deg deg ah oo ka dhan ah Iiraan

0

War ka soo baxay Xukuumadda Washington ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay qorshaynayso in ay isugu yeerto kulan degdeg ah oo ay yeeshaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.,kaasi oo looga hadlidoono arrinta iiraan.

Mareykanka ayaa ujeedka kulankani ku micneeyay in uu yahay mid looga go leeyahay sidii loo wajihi lahaa xaaladaha kataagan Iiraan,gaar ahaan banana baxyada rabshadaha wata iyo sidii loog ahortagi lahaa caburinta shcabka sida uu sheegay Mareykanka.

Nikki Haley oo ah Safiirka Mareykanka u fadahida Qaramada Midoobey, ayaa sheegtay in arrinta Iiraan sidoo kale looga hadli doono kulanka golaha xuquuqda aadnaha ee ka dhacaya magaalada Geneva,iyadoo beenisay eedeeynta dowladda Iiraan ee ah in dibadbaxyadani ay yihiin kuwa dibadda dalkaasi laga soo maleegay.

Dowladda Iiraan ayaa ku eedeysay Mareykanka in uu ka faa’idaysanayo fursadda ah banana baxyada rabshadaha wata ee dalkaasi ka socda,iyadoo dhinaca kale Mareykanka ugu baaqey Tehran in ay xannibaadda ka qaado baraha bulshada.

Waxaa soconaya qorshey dolwadda Iiraan ay ku doonayso in la qabto banana baxyo ballaaran oo looga so horjeedpo kuywa haatan ka soconaya dalkaasi Iiraan,oo loo arko in Mareykanka uu gadaal ka riixayo.