Shirkadda diyaaradaha ee Jet Airways oo laga leeyahay dalka Hindiya ayaa baaraysa warar sheegaya in labo ka mid ah duuliyeyaasheeda ku dagaalameen shirka ama qaybta hore ee diyaarada laga wado xilli diyaarada ay hawada ku jirtey.
Diyaaradda ayaa ka soo kacday magaalada London kuna sii jeeday magaalada Mumbai marka ay arrintaasi dhacday waxaana la sheegay in duuliyihii diyaarada oo rag ahaa uu dharbaaxay haweeney la duulineysay diyaarada, waxayna ku qasabay haweeneyda inay ka soo kacdo kursigeeda iyadoo shaqaalihii diyaarada ay dib ugu celiyeen halkii ay ka wadaysay diyaarada.
“Is faham la’aan ayaa ka dhex dhacday halka laga duuliyo diyaarada,hase yeeshe arrintan si dhaqso ah ayaa loo xaliyay diyaaradana waa ay sii wadatay safarkeeda iyadoo ku degtey magaalada Mumbai oo ay ku sii jeeday waqtigii hore loogu qorsheeyay.”ayaa lagu yiri hadal ka soo baxay shirkada diyaarada ee Easy Jet.
Waxay intaas ku soo dartay in duuliyeyaashii hawshaas ku lugta lahaa shaqadii duulimaadyada laga joojiyay baaritaanna ay sugayaan. Diyaaradaas waxaa saarnaa 324 oo rakaab ah waxayna iyadoo badqabta cago dhigatay magaalada Mumbai.
Wasiirka duulista hawada dalka Hindiya Ashok Gajapati Raju ayaa u sheegay baarlamaanka Hindiya maanta in dowlada ay baaritaan ku sameyneyso falkan tallaabana laga qaadi doono cidii ku xadgudubta qaanuunka.