DHAGEYSO : Askari ka Tirsan Ciidamada Jabuuti oo Lagu dilay Qarax ka dhacay Buuloburte

0

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan Ciidamada Jabuuti ayaa saakay howlgallo ballaaran ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Buuloburte ee G/ Hiiraan.

Howlgalladan ayaa yimid, kadib markii shalay qarax xoogan uu ka dhacay gudaha degmadaasi Buuloburte.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay howlgalladaasi in ay ku soo qab qabteen ku dhawaad 10 ruux oo looga shakisanyahay in ay ka dambeeyeen qaraxaasi.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaas oo uu khasaarr ka soo gaaray Ciidamada Jabuuti ee ka howlgala degmadaasi Buuloburte.

Balse inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada fariismaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku liyiin Gobolkaasi Hiiraan.