DHAGEYSO : Itoobiya Oo Dad Badan U Xirtay Colaadaha U Dhaxeeya Oromada Iyo Soomaalida Dalkaasi

0

Dowladda Itoobiya ayaa Xabsiga dhigtay 107 ruux oo lala xiriirinayo in ay ku lug lahaayeen colaadihii Qowmiyadaha Somaalida iyo Oromada ku dhex martay Xadka ay wadaagaan.

Taliyaha Ciidamada Booliiska ee Itoobiya Abiyu Assefa ayaa warbixin arrintan la xiriirta u gudbiyay Baarlamaanka dalkaasi.

Shaqsiyaadka ay soo xireen Ciidamada Boolisaka ayaa waxaa 98 ka mid ah ay ka soo jeedaan Qowmiyada Oromiy, halka 9 kalena ay ka soo jeedaan Qowmiyada Soomaalida ee dalkaasi.

Dagaal xoogan oo labada Qowmiyada ku dhexmaray Xadka ay wadaagaan oo gaaraya 1500 oo KM bishii September ee Sanadkii hore ayaa waxaa ku barakacay Tobanaan Kun oo ruux oo labada dhinaca ah, halka tiro ka badan Boqol ruuxna ay ku geeriyoodeen.

Khilaaf xoogan oo dhinaca Xadka ah ayaa labada Qowmiyadood ee Oromada iyo Soomaalida u dhaxeeyay muddo 20 Sano ah,taas oo kEentay in ay sare u kacdo cadaawada labada dhinaca.

Qaar ka mid ah hay’adaha u Dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in tacadiyo ka dhan ah dhinaca aadanah ay ka dhaceen dalka Itoobiya, xilligii ay halkaasi ka dhaceen rabshadaha labada Qowmiyadood