DHAGEYSO WARBIXIN : WFP Oo Sheegtay In Dhaqaalo Yari Darteed Uu Gaabis Ku Yimid Gargaarkii Ay Ka Waday Soomaaliya

0

Hay’adda Cuntada Qaramada Midoobay ee WFP ayaa sheegtay in dhaqaale yari soo wajahday hay’adda ay keentay in uu gaabis ku yimaadoo Raashiinka gargaarka ahaa ee ay gaarsiin jirtay dalal ku yaalla Afrikada bari oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay.

WFP ayaa xustay in haddii illaa iyo bisha March ee soo socota aan la helin Lacago ay halis weyn geli doonto nolosha Malaayiin ruux Sanadkan, kuwaas oo ku tiirsan Raashiinka ay bixiso WFP.

Qaramada Midoobay ayaa sababaha ugu waa weyn ee dhaqaale yarida ku sheegtay in qaar ka mid ah dalalka deeqaha bixiya ay dabooli waayeen tirada dadka u baahan gargaarka bani’aadanimo.

Peter Smerdon oo ah Afhayeen u hadlay Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa wargeyska daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya u sheegay in ay kordheen tirada dadka u baahan gargaarka ee Caalamka.

WFP ayaa sanadkan qorsheyneysa in ay gargaar ay gaarsiiso dad gaaraya780,000 oo ruux oo isagu jira Haween iyo Ccruur, kuwaas oo macaluul daran ka qaaday Abaar xoogan oo ku dhufatay dalka Kenya.

Afhayeenka ayaa sheegay in haddii aan dalalka deeqaha bixiya laga helin Lacago badan ay xirmi doonaan mashaariic badan oo ay WFP ka wado dalal ku yaalla Bariga Afrika oo ay ugu horeeyaan Kenya iyo Soomaliya.

Bishii Novermber ee Sanadkii hore ayaa waxaa WFP ay dhintay gargaarkii ay gaarsiin jirtay illaa 420,000 oo badankood ah Qaxooti Soomaali ah, kuwaas ooku dhaqan Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.