DHAGEYSO : Wasiirka Cusub ee Arimaha Gudaha soomaaliya oo Maanta Xilka La wareegaya.

0

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye Oo Shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoona mus’uuliyiin ka tirsan Dowladda ay ku soo dhaweeyeen garoonka Aadan Cadde.

Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu horreyn u mahadceliyay dhammaan xubnihii ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la garab istaagaan xilkan loo Magacaabay, isaga oo xusay in uu dadaal badan ku bixin doono horumarka dalka.