Aadan Barre Ducaale Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya oo ka hadlaye Darbiga kenya ay ka dhiseyso Soohdinta Soomaaliya ay la wadaagto ayaa sheegay in darbigaasi uu Xal u yahay amniga dalkaasi.
Qorshaha looga gudbi karo in aanan loo baahan Darbigaas ayuu ku tilmaamay in ay xal u noqon karaan Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, maadaama ay iska kaashan karaan la dagaalanka Al-Shabaab.
Waxa beeniyey wararka la isla dhexmarayo ee ah in Kenya ay boob ku heyso dhulka Soomaaliya, kenya ayuu sheegay in ay leedahay dhul ku filan, baahine u qabin dhulka Soomaaliya.
Aadan Barre ayaa dalbaday in Soohdinta Soomaaliya iyo Kenya laga dhigo, sida Xuduudda ay la wadaagaan dalalka kale oo Muwaadiniintooda ay sameeyaan is dhex gal.
Aadan ayaa sheegay in wafdi uu hogaaminaye Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u heshiista Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo xubno ka socday labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay soo arkeen halka la mariyane Darbiga, isla markaana aanan ku durugsaneen gudaha Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Muranka la xiriira Darbiga Kenya ay marineyso Xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya ayaa taagnaa tan iyo sanadkii 2015-kii, waxa ayna Kenya ku andacooneysaa in ay la daalaa-dhaceyso Sugidda amniga dalkeeda maadaama ay kordheen weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalkaasi.