Garoonka Diyaaradaha Magaalada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan ayaa la sheegayaa in la dejinayo Ciidamo Soomaali iyo Jabuutiyaan ah kaddib markii Garoonkaas dhowr jeer ay ka dhaceen Qaraxyo ka dhashay Miino ay geliyeen Al-shabaab.
Maamulka Magaalada Buulo Burte ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya Garoonkaas Ciidamo la dejiyo si looga hortago Qaraxyada Miinooyinka ah ee ay ku aasaan Al-shabaab.
Cali Cumar Rooble oo ah Guddoomiyaha Buulo Burte ayaa waxaa uu Idaacadda Mustaqbal u sheegay in Qaraxii shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradah ay ku dhinteen Askari Jabuutiyaan ah iyo dhaawaca labo Soomaali ah.
Cali Cumar waxaa uu sheegay in Garoonkaas hadda aysan jirin cid joogta islamarkaan Subax kasta 8:00AM la tago lagana soo hoydo Galabkii.
Al-shabaab ayuu sheegay in Qaraxyada ay Garoonka geliyaan xilliyada laga maqanyahay ee Habeenkii u badan,waxaana uu xusay in hadda laga fekarayo in la geeyo Ciidamo isku dhaf ah oo Jabuuti iyo Soomaali ah.