DEG DEG : Xoogaga Shabaab oo jaray Isgaarsiinta Magaalo ku taal Kenya

0

Saraakiil u hadashay Dowladda Kenya ayaa sheegay in rag ay rumeysan yihiin in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay jareen Isgaarsiintii Magaalada Katulo ee Waqooyi bari dalka Kenya.

Taliyaha Booliska Wajeer Stephen Ngetich,ayaa xaqiijiyay in Niman hubeysan ay garneyl ku dhufteen dhismaha Laanta Shirkadda Safaricom ee Magaalada Katulo halkaas ay ku bur burtay anteenadii sahleysay wada xiriirka dadka deegaanka iyo dalka Kenya intiisa kale.

Waxa uu sheegay in Saraakiisha iyo Ciidamada Kenya ee deegaankaas ay bad qabaan islamarkaana uusan jirin qof ay wax ku gaareen weerarka Al-shabaab ee Magaalada Katulo.

Weerarkan ayuu sheegay in uu dhacay Axaddii,iyada oo ciidamada ammaanka ee fadhigoodu yahay Ceelwaaq iyo Kuwa Katulo uu xiriirkooda jarmay muddo kooban hayeeshee markii dambe la adeegsaday Isgaarsiinta dowladda u gaarka ah.

Stephen Ngetich, waxaa uu xusay in aysan oggolaaneyn in Nabadda iyo amniga Wajeer oo uu sheegay in uu hadda wanaagsan yahay aan la caqabadeyn karin,ayna ku dadaalayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarrada Al-Shabaab ee deegaankaas.

Al-Shabaab dhinacooda kama hadlin weerarka ay Kenya ku eedeysay waxaana Kenya marwaliba sheegtaa in weerarrada ka dhaca deegaankaas ay fuliyaan Al-Shabaab, kuwaas oo inta badan lala beegsado Ciidamada Kenya iyo dadka Kenyaanka ah ee aan u dhalan Gobolka Waqooyi Bari.